U bood dhigaalka

Ciidanka Somaliland oo La Kala Dhex Dhigay  Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami  oo ka hadlay shaqaaqo beeleed ka dhacay deegaanka Dararweyne ee ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegay in  ciidamo ka tirsan Somaliland oo halkaasi ku sugani ay kala dhexgaleen beelahaasi .

Shaqaadan oo laba maalmood socotay salkana ku haysay arrimo aano qabiil ayaa labada beelood waxay isku gaysteen waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wasiir Cadami oo isagu deegaankaasi ka soo jeeda warbaahinta aan u faahfaahin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha beelaha kala gaaray; ayaa waxa uu sheegay in xaaladdu degan tahay saacadihii ugu dambeeyey ee ay ciidamadu soo kala dhex galeen beelaha diriray.

Wasiirku waxa uu tilmamay in markii ay shaqaaqada labada beelood ay dhacday in ciidamada Somaliland ay u gurmadeen isla markiina ay kala dhex galeen labadaa beelood ee dirirtu dhex martay;  “ Markii shaqaaqadu meesha ka dhacday ee labada beelood wax ka dhex dhaceenba waxa gaadhay oo ka hor tagey in dhibaatadu halkaa dhaafto ciidanka Somalialnd  ayaa ka hawlgalay, taasina waxay baajisay in dhiig badan iyo khasaare badan halkaa ka dhaco,illaa iminkana ciidanka ayaa gacanta ku haya kuna hawllan si ay u kala badbaadiyaan nafaha walaalaha ah” ayuu yiri wasiir Cadami oo ku sii jeeday degaanka ay dirirtu ka dhacday ee dararweyne, Sanaag.

Socdaalkan wasiirka oo uu ku weheliyay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa waxa uu sheegay in ujeedka safarkiisu yahay in nabad lagu dhameeyo khilaafka dhibta abuuray ee u dhexeeya beelaha wada degan halkaasi .

Gobolka Sanaag ayaa marar kala duwan waxaa ka dhaca dagaallo iyo shaqaaqooyin u dhexeeya beelo wada dega gobolka, oo inta badan dad ay hore u kala dileen aanadoodu soo cusboonaato.

Goobjoog News