Mileteriga Soomaaliya oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobalka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 41-aad guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxa ay kula wareegeen deegaanno  ay gacanta ku hayn jireen dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo u dhexeeya degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobalkaasi.

Taliyaha ururka 41-aad dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhaxeysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay kula wareegeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isagoo sheegay in ay burburiyeen fariisimo Al shabaab ay dadka uga qaadi jireen waxa ay ugu yeeraan sakawaat

Dhamme Cabduqaadir ayaa xusay in ay howlgalka ku dileen 13 ka tirsan Al-shabaab dhaawac badane ay u geysteen, wuxuuna intaas ku daray in halkaasi ay ku gubeen gaari Al shabaab ay lahaayeen oo siday, raashin,hub iyo laabtoobyo islamarkaana ay Al shabaab ka carareen sida lagu baahiyay warkaan warbaahinta dowladda.

Ma jirto hadal ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan in dagaalamayaal iyaga ka tirsan looga dilay gobalka Hiiraan sidoo kalane halkaasi lagu gubay gaari u siday shixnado kala duwan.

Maalmihii dambe ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay howlgallo qorsheysan ka wadeen deegaanno iyo degmooyin ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Al shabaab  kuwaas oo markii dambe lagala wareegay.

Goobjoog News

Related Articles

49 Comments

  1. Historically, a special reason of the biology mechanism
    of erections controlled the discourse of ED to vacuum-tightness devices,
    prosthetic implants, intracavernosal injections, and
    intraurethral suppositories.4 Since its advent, the form of
    agents known as type-5 phosphodiesterase (PDE5) inhibitors has revolutionized
    the direction of ED. PDE5 inhibitors birth get the first-melodic line therapy for ED,
    as suggested by the American Urological Tie-up (AUA) and the European Affiliation of Urogenital medicine http://lm360.us/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW