U bood dhigaalka

Mileteriga Soomaaliya oo Sheegay inay Dileen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Sheeko:Amniga

Howlgal ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanno u dhexeeya degaanka Janaale iyo degmada qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay ku dileen sarkaal dagaalamayaasha Al shabaab  u qaabilsanaa degmada Qoryooleey iyo degaanada hoosyimaada, waxaana sidoo kale mileteriga Soomaaliya uu sheegay inay dileen 5 dagaalame oo kale.

Sarkaalkan ay ciidamada xoogga howlgalka ku dileen ayaa waxa ay magaciisa ku sheegeen  Cabdi Muxsin Shiikh Xuseen ( Abuu bakar) sida uu Idaacadda Ciidamada qalabka sida u sheegay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed sareeyo guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Degaanada ciidanka xoogga dalka howglka ay ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Kabtan Laas oo ah meel isgooys ah iyo tuulada Buulo Sheekh oo u dhexeeysa Janaale iyo dgmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay weerada iyo howlgalada kadhanka ah dagaalamayaasha Al shabaab tan iyo inta ay dhalatay bisha barakeeysan ee Ramadaan.

Ma jirto dhankooda Al shabaab wax war ah oo ka soo baxaa oo ay uga jawaabayaan sheegashada dowladda ee ah in sarkaal iyga ka tirsan iyo 5 dagaalme ay ku dileen Shabeellaha hoose.

Goobjoog News