U bood dhigaalka

Militariga Burkina Faso oo Kooxdii Afgambiga Geysatay Ku Amray in Ay is Dhiibaan

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaasha Militariga dalka Burkina Faso ayaa u qabtay Kooxdii Afgambiga ka geysatay dalkaasi in ay is dhiibaan, hubkana iska dhigaan.

Sarkaal u hadlay Ciidanka ayaa sheegay in kooxdaas loo qabtay in ay isku dhiibaan ilaa 10:00 GMT, haddii kale ay Militartiga weerari doonaan.

Militariga dalka ayaa soo gaalay caasimadda iyagoo hareereeyay Kooxda Afgambiga geysatay oo lagu qiyaasay ilaa 1200 oo Askri oo ku sugan Madaxtooyada.

Inqilaabka ka dhacay dalkaas waxaa uu hor is taagay in doorasho dalkaas ka dhacdo October 11-keeda iyo in dadka dalkaas ay dimoqoraadiyad ah wax u doortaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalkaasi ay sii daayeen kooxda Afduubka geysatay, isagoo hadda ku sugan Safaaradda Faransiiska.