U bood dhigaalka

Militeriga Mali Oo Xiray Madaxweynihii Dalkaasi

Sheeko:Amniga

Militariga dalka dhaca galbeedka Afrika ee Mali ayaa xiray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga ee dowladda kumeelgaarka ah .

Ciidamada ayaa Xabsiga u dhaadhiciyay madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul wasaare Moctar Ouane iyo wasiirkii difaaca Mali Souleymane Doucoure.

Xoogaga Militeriga ayaa la soo wariyay in mas’uuliyiintan ay ku xireen xero ciidan oo ku taalla meel ka baxsan caasimadda dalka Mali ee Bamako.

Xariggooda ayaa imaanaya kadib markii dhawaan Militeriga ay xilka ka qaadeen madaxweeynihii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita.

Dhawaan ayeey aheyd markii Mali laga dhisay Dowlad isku dhafan kadib xilka qaadistii Keita, Militeriga ayaana la sheegay in madaxdan ay u xireen sababa la xiriira xil ka qaadis lagu sameeyay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Militeriga Mali.

Goobjoog News