U bood dhigaalka

Militeriga Sudan Oo Shaaciyay In Ay Magacaabi Doonaan Ra’iisul Wasaare Cusub

Sheeko:Amniga

Horjooga ciidamada Afgambiga ku qabsaday dalka Sudan ayaa sheegay in saadka militeriga ciidamada Sudan ay soo magacaabi doonan ra’iisul wasaare.

Abdel Fattah al-Burhan, oo hogaaminayay afgambigu Sudan ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha la magacaabi doona laga rabo in uu soo dhiso xukuumad ciidamada ay qeyb ka yihiin.

“Waxaa na saaran waajib wadani ah inaan dadka hogaamino oo aan caawinno xilliga kala guurka ilaa doorasho laga qabanayo,” al-Burhan ayaa ku yiri wareysi u bixiyay.

Isniintii, al-Burhaan ayaa kala diray dawladdii ku meel gaarka ahayd wuxuuna xiray Ra’iisal Wasaare Abdalla Hamdok, masuuliyiin badan oo dawladeed iyo hogaamiyeyaal siyaasadeed oo afgambi ay cambaareeyeen Maraykanka iyo reer galbeedka. Milatarigu waxay u ogolaadeen Hamdok inuu ku soo laabto gurigiisa isagoo ilaalinaya maalinta xigta ka dib cadaadis caalami ah.

Jeneraallada ayaan wali soo saarin liiska musharixiinta u taagan xilka ra’iisul wasaaraha, ayuu yiri al-Burhan. Go’aanka magacaabista ra’iisul wasaaraha noocan oo kale ah ayaa daba socda baaqyo hore oo ay jeneraalku ugu yeereen golaha wasiirrada .

Goobjoog News