U bood dhigaalka

Milkiilaha Facebook oo Noqday Ninka ugu Taajirsan Dhalinyarada Caalamka

Haddii aad aamisaneyd in Taajirnimada ay ku koobneyd dadka Khibradda iyo aqoonta leh, waad qaldan tahay, Dhalinyarada waxaa ay noqon karaan dad lacag leh oo si fiican u shaqeyn kara,  Maanta waxaan halkan idiin ku heynaa dhalinyarada ugu lacagta badan aduunka.

Webka Market Watch ayaa diyaariyay Warbixin uu ku eegayo dhalinyarada ugu Taajirsan ama ugu qanisan aduunka.

Webkan ayaa soo bandhigay 11 dhalinyaro ee ugu taajirsan Caalamka oo da’doodu ka yar tahay 35 sano.

Arinta layaabka noqotay 3 ka mid ah 11-kaas waa Milkiilaha iyo Maamulayaasha Facebook oo ah barta bulshada ugu caansan aduunka.

Webka ayaa sheegay in 11-ka qof ee aduunka ugu caansan 7 ka mid ah ay ku noolyihiin Mareykanka, waxaa sidoo kale ku jira labo Gabdhood oo u dhalatay Dalka Shiinaha.

Liiskan waxaa Kaalinta koobaad galay Milkiilaha Facebook Mark, ninkan oo 31 jir, waxaa uu heystaa lacag dhan 41.6 Bilyan oo Dollar.

Kaalinta Labaad ninka galay waxaa uu heystaa Lacag dhan 9.3 Bilyan oo Dollar halka Kaalinta 3-aad ay gashay gabar uu dhalay nin Shiinees ah oo Guryaha dhisa taas oo heysata lacag dhan 5.9 Bilyan oo Dollar.