U bood dhigaalka

Milkiilaha Idaacadda Shabelle iyo wariyaal la xiran oo maanta maxkamad lasoo taagayo

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in maxkamada gobalka Banaadir ay kasoo hor muuqdaan Milkiilaha Idaacadda Shabelle iyo Sedax wariye oo la xiran, kuwaa oo dowladda gacanta ugu jira in ka badan 60 (Lixdan) cisho.

Qareenka u doodaya Suxufiyiintaan ayaa rajo ka muujiyay in maanta wr cad laga helo maxkamada, waxaana uu sheegay in qodobo badan uu halkaasi kusoo bandhigaayo, isaga oo muujiyay in rajo wanaagsan uu qabo.

Wariyaal iyo xubno kale ayaa gaaraya xarunta maxkamada si ay goobjoog uga ahaadaan qaabka ay maxkamadda u dhacayso.

Xubnaha xiran ee Maxkamada lahor keenayo ayaa kala ah, Milkiilaha Idaacadda Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud, Wariye Maxamed Bashiir Xaashi, Wariye Axmed Cabdi Xasan iyo Agaasimaha Idaacadda SKY Maxamuud Maxamed Daahir Carab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco Goobjoog Fm