U bood dhigaalka

Milkiilaha Telefashinka Universal oo Booliska Somaliland ay ku Xireen Magaalasda Hargaysa

Sheeko:Dalka

Milkiilaha Telifishinka Universal ayaa Booliska Somaliland ku xireen magaalada Hargeysa, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeeysa xarigiisa.

Eng. Axmed Abubakar, milkiilihii Universal TV ayaa Booliska Somaliland ay qabteen, kadibna ay xabsiga u taxaabeen iyadoo aan sababaha aan illaa iyo hadda lagaraneyn,  balse xarigga Eng. Axmed Abubakar  waxaa loo aaneynayaa  maamulka Somaliland oo aan la dhacsaneyn Telefeshinka Universal oo barnaamijyo ka baxa Universal TV  loo tirinayo in uu kamid yahay sababaha loo xiray Eng. Axmed Abubakar.

Barnaamij la yiraahdo Faaliyah Qaranka ayaa la sheegayaa inuu ka mid ah eedaha loo haysto milkiilaha Universal TV oo horay loogu xiray Somaliland daadihiyihii barnaamijkaas ee Cabdi Muriidi Jakis sababo la xiriira isla arrintaan.

Si kastaba, maamulka Somaliland ayaa sheega in aaney ogoleyn qof saxafi ah oo maamulkooda soo gala isagoo aan horey ula soo socodsiin danaha iyo ulajeedka safarkiisa iyo howshiisa shaqo waxa ay tahay.

 

Goobjoog News