U bood dhigaalka

Bilyuuneer Masaari ah oo Ka Codsaday Giriiga iyo Talyaaniga In ay Ka iibiyaan Jaziirad si ay Qaxootiga ku Noolaadaan

Sheeko:Dalka

Ninka ugu Taajirsan Masar Najiib Sawiras ayaa soo jeediyay in uu doonayo in uu Jaziirad ka iibsado Giriiga ama Talyaaniga si uu u dajiyo Qaxootiga ama Muhaajiriinta kasoo cararaya goobaha aya dagaalada ka jiraan.

Najiib Saawiras oo ah nin ka tirsan dadka ugu lacagta badan aduunka iyo Milkiilaha shirkadda Mobilnile waxaa uu qabaa in tilaabadani tahay mid adag balse la fulin karo si dadka ka soo qaxay Suuriya ay Gabaad u helaan.

Sawiiras ayaa Bartiisa Twetter-ka soo dhigay”Greece or Italy sell me an island,ill call its independence and host the migrants and provide jobs for them building their new country”

In ka badan 2000 oo qof oo Suuriyaan ah ayaa ku dhimatay Badda Cad kadib dagaaladii dalkaas ka qarxay wixii ka dambeeyay 2011-kii.

Dhinaca kale Wareysi uu siiyay Telefishin ayuu Sawiiras ku sheegay in Jaziirad iibsigeeda uu ku kacayo 10-100 Milyan oo Dollar lacagtaasina uu diyaar la yahay.

Najiib waxaa uu leeyahay dadka Qaxootiga ah sida loola dhaqmo waa si Banii’aadamnimo ka baxsan.