U bood dhigaalka

Mina: Xujey Soomaaliyeed Oo La La’yahay

Sheeko:Dalka

Muwaadiniin  Soomaaliyeed oo xujey ah ayaa lagu la’yahay magaalada Mina oo dhawaan ay ku geeriyoodeen xujey ka badan kun qof, ka dib markii ay is buurteen.

Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo kamid ah xujeyda sanadkani ayaa u sheegay Goobjoog News in dad Soomaali ah oo isla socday ay is la’yihiin kuwaas oo nolal iyo geeri aan meelna lagu sheegin.

Waxa uu inoo xaqiijiyay in ay halkaasi ku geeriyoodeen muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo tiradooda horay loogu sheegay 7, balse laga yaabo in intaasi ay ka badato.

Maanta waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jirto dhagax tuur oo dadka ay cabsanayaan iyagoo ka baqdin qaba in dhimashadii oo kale ay mar kale dhacdo, hase yeeshee ka Soomaali ahaan ay iswaaninayaan.

Khamiistii aynu kasoo gudubnay ayaa xujey badan isku buuratay Dhegax tuurka, waxaana halkaasi ku geeriyootay in ka badan Kun Xaaji.

Goobjoog News