U bood dhigaalka

Minnesota: Nin Soomaali Xabadeeyay Oo Lagu Xukumay 39 Sano Oo Xabsi Ah

Sheeko:Dalka

Anthony Sawina oo horay u xabadeeyay Soomaali gaari saarneed dalka Mareykanka taasi oo keenya dhaawaca labo ayey maxkamad ku taalo magaalada Minnesota ku xukuntay 39 sano oo xarig ah.

In kasta uu cudur-daartay hadana Maxkamadda waxaa ay Anthony Sawina oo 26 jir ah ku heshay in uu raggaas u xabadeeyay, isla markaana uu ku kacay fal naceyb ku jiro.

Kolkii maxkamada ku dhawaaqday xukunka waxaa uu ku qeyliyay “Adinka ayaa ah dambiilayaasha rasmiga ah, dadka wax waa dilaan, waxaana lagu xukumaa xukunno intan ka sanado yar, arrintan waa cadaalad darro..iyo erayo kale”

Anthony Sawina  iyo saaxibadiisa ayaa June 29, 2016, waxaa arkeen 5 Soomaali ah oo gaari raacaya iyaga oo midkood ku qeyliyay  “Muslimiin”, kadib ninka la xukumay waxaa uu la soo baxay Bustoolad isaga oo xabadeeyay gaariga, labo ayaa dhaawac noqotay halka darawalka oo xabad madaxa uga dhacday.

Goobjoog News