U bood dhigaalka

Mire-Awaare Oo Lagu Bilaabay Dhigista Cowska

Sheeko:Cayaaraha

Garoonka kubbadda cagta Mire-Awaare ayaa lagu bilaabay dhigista Rooga Cagaaran waxaana howshan laga shaqaynanya mudooyibkii danbe,hergelinta howshan waxaa ka qeyb qaatay ganacstada,siyaasiinta iyo dadka reer Puntland,iyadoo dhallinyarada iyo bahda isboortiga madaxda Puntland sida wanaagsan ay ugu qeyb qaateen howlaha dib u haaginta garoomada kubbadda cagta Puntland.

“Waxaan bogaadinayaa Dhammaan Guddiga Dayactirka iyo Dib-u-dhiska Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Jaamac ee Garowe ee bilaabay fidinta rooggii cagaaran waan wax lagu amaano dadka reer Puntland” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha arrimaha gobolada ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed.

Guddiga la socodka iyo dhismaha garoonka Mire-Awaare ayaa mahadcelin gaar ahu diray qof kasta oo kaalin ka geystay in la soo gaaro meesha iminka la joogo,iyagoo sheegay in hadagkooda uu yahay in Puntland ay hesho garoomo casri ah oo diyaarsan

“Rajadeenu waxa ay aheyd in sida Puntland ay u qurux badantahay garoomadeeda ciyaaraha loo diyaariyo,si dhallinyarada ay helaan goobo casri ah ay ku soo bandhigaan xirfadooda,balse waxaan ku haminaynaa in aan isku tashano” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland.

Maamo Xaliimo Cali Warsame (Biyood) waxay ka mid tahay Maamoyinka doorka wanaagsan ka qaatay tan iyo bilaawgoo dhigista rooga cagaaran ee garoonka  Mire-Aware,welina waxay qeyb ka tahay howsha socota,waxaana sawir laga soo qaaday iyada oo ku jirta howlaha socda ugu mahad celiyay dhallinyarada,guddiga dhosmaha garoonka Mire-Waare iyo madaxda Xiriirka kubbbadda Cagta Puntland.

“Way jiraan dadka kale oo isku xilqaamay quruxinta garoomada Puntland kuwaas oo waqtigooda iyo fikirkooda geliyay in la helo goobo casri ah ay dhallinyarad ku ciyaaraan mustaqbalka dhaw,balse Xiriirka Puntland wuxuu mahad celin balaaran u diriyaa dhamaan dadkii  gacanta weyn kulahaa horomarinta howlaha guulaystay” waxaa sidaaa Goobjoog u sheegay Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Mustafe Cabdiraxmaan Majacase.

Si kastaba Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Raysal wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kaalin wanaagsan ka qaatay dib u dhiska garoomada kubbadda cagta deegaanada Puntland,iyadoo labada masuul iyo madaxda kale loogu mahad celiyay doorka ay ka qaateen howshan.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle