U bood dhigaalka

Mo Faarax Oo Ku Guuleystay Orodka 10-ka Kun Mitir Ee Olympic-ada (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Mo Farah oo ah orodyahan asalkiisu yahay Soomaali islamarkaana u orda dalka Britten ayaa mar kale waxa uu ku kuuleystay orodka 10-ka Kun ee Mitir ee Billadda Dahabka ah.

Orodyahanka ayaa ka xawaaro dheereeyay orodyahannada kale ee tartanka Olympic-ada kula jirtay kadib markii isaga oo kufay hadane meel gadaale orodka kasoo qaatay kana wada horumaray dhammaan orodadii kale.

Mo Farah ayaa ku dhameystay orodka 27 daqiiqo iyo Shan il biriqsi, waxaana kaalinta Labaad soo galay Paul Tanui oo u dhashay dalka Kenya.

Sanadkii 2012-ka, Mo Farah waxa uu ku guuleystay billadaha dahabka ah ee 5-ta Kun iyo 10-ka Kun ee Olympic-ada adduunka.

Hoos ka arag sawirada

mo-farah-7 mo-farah-6 mo-farah-5 mo-farah-4 mo-farah-3 mo-farah-2

Goobjoog News