U bood dhigaalka

Mo Farah Oo Dhac Xooggan Loogu Geeystay Itoobiya

Sheeko:Cayaaraha

Orod-yahanka caanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya una orada dalka Bratian Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village ee ku yaalla caasimadda Addis Abeba ee wadanka Ethiopia, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa tababar.

Mo Farah oo haytsa dhalashada wadanka UK caan ku ah Orodka Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Moobayl iyo sacaad qaali ah waxaana qalabkan haddiyad ahaan ugu keentay xaaskiisa.

Waxa uu xusay in dhaca loo geystay shandadiisa oo taallay qolkii oo ka degganaa Hotelka bishii lasoo dhaafay Maarso,isagoo waqtigaas ku maqnaa tababar oo ku qaadanayay dalka Ethiopia.

Mo Farah ayaa cambaareeyey Orod-yahanka reer Ethiopia Haile Gebreselassie oo ay isla degganaayeen Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ah oo ku guul-daraystay inuu isaga caawiyo, kadib, markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village.

Mo Farah ayaa qeexay in uu gacan ka helay shaqaalaha Hoteelkii uu ka degnaa Ethiopia,isagoo sheegay in uusan marnaba uu san wax caawinaada uu ka helin saaxiibkii ay isla dagnaayeen Haile Gebreselassie oo ah muwaadin Ethiopian ah.

Geesta kale, mar lala xiriiray Milkiilayaasha Hotelka lagu dhacay oradyahan Mo ayaa gabi ahaan iska gaabsaday arinkan maadaama mid ka tirsanaa macaamiishooda lagu dhacay Hoteelkooda,balse kama bixin wax jawaab waafi ah.

Si kastaba horaantii bishii Maarso 2019-Mo Farah iyo Bashir Cabdi oo ah orodyahanno asal ahaan Soomaali ah,balse u kala orda wadamada Britain iyo Belgium ayaa kaalmaha 1aad iyo 2aad ka galay tartan orod oo ka dhacay magaalada London.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle