U bood dhigaalka

Modoobe Oo La Hadlaya Siyaasiyiinta: Ha Loo Midoobo Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday saldhiga ciidamada ee aaga deegaanka Dhoobley ka howlgala.

Mudane Madoobe oo ciidanka la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo, wuxuuna intaas ku daray in dhowaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.

Madaxweynaha Jubbalabd waxaa uu ka hadlay in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada kadib mudo badan oo ay dhiiga umada macno daro ku daadinayeen, isaga oo ammaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada Jamaame kuwaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, wuxuu ku dheeraday in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Argagixisada loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka.

Goobjoog News