U bood dhigaalka

Mooshin Ka Dhan Ah Shirka Jowhar Oo Baarlamaanka Federaalka Laga Diiwaan Geliyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM, gaar ahaan barnaamijka qof ka qof , ayaa sheegay in ay baarlamaanka Federaalka ah ka diiwaan galiyeen mooshin ka dhan ah shirka Jowhar.

Ugu horreyn xildhibaanku waxa uu ka hadlay khilaafka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe halka uu salka ku hayo, waxaanuu yiri:

“Waa khilaaf muddo socday Waa khilaaf ku saleysan awood qeybsiga, dadka labada gobol degen sida ay awoodooda u qeybsan lahaayeen, maamulna u wada dhisan lahaayeen, khilaafkaas shalayna wuu taagnaa maanta uu taagan yahay, intabadanna waxaa u sabab ah xukuumadda, khaasatan madaxweynaha Xafiiskiisa oo aad isugu taxaluujiyay in gobolka shabeelaha dhexe qaataan waxwalba”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; “Madaxweynaha fikirkiisu waxa weeye in gogosha la geeyo Jowhar, kharajka gogosha la siiyo dad ka soo jeeda gobolka Shabeelaha dhexe, wuuna siiyayba, oo uu la jecelyahay iney noqdaan madaxweyne, sida uu isaguba ka sheegay fagaarooyin badan, waxaa la shaaciyay sida xildhibaanada loo qeybinaayo, oo beesha uu isagu ka dhashay intabadan ay qaadanayaan xildhibaanada, madaxweynahana uu u wado nin ay isaga is xigaan, caasimadiina uu Buulo Berde ka dhigo oo aan ognahay iney qaflad ku jirto, waxaana iska cad in Jowhar lagu shaqeynayo sida badan; sida ka dhacday Baydhabo, iyo Cadaado”.

“Madaxweynuhu waxa uu u dhardhigtay inuu bahdilo beelaha ugu tunka weyn ee Hiiraan, uu tuso inuu wax dhisi karo la’aantood”.

Khiilaafku halka uu gaarsiisan yahay ayuu sii faahfaahiyay; “Waxaad arkaysaa qabaa’ilkii aan waligood wax xumaan ah dhexmarin oo aan salaanta iska qaadeyn ee labada gobol ka kala tirsanaa, mar haddii duubabkii salaanta iska qaadeyn, maamulka la dhisi karo anigu ma garan karo, waxay u baahan tahay in la dayac tiro, xiriirkii qabaa’ilka la hagaajiyo, haday tahay reer Hiiraan dhexdeeda ama Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, markaas ka dib maamul la dhiso”.

Talada reer Hiiraan ayuu ku sheegay, “Reer Hiiraan waxay gaareen talo iney gogol dhigaan oo bal horta iyaga dhexdooda wixii kala gaaray ay iska xalliyaan”.

“Waxaa muuqato in Madaxweynuhu go’aanadisii gurracnaa uu sii wado, Maanta waxaa la furay shirkii Jowhar oo dib u bilowday inuu shaqeeyo, taasi waxay keenaysaa saameyn runtii aad iyo aad u ballaaran oo aanan fiicneyn”. Waana sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynuhu shaqadii ayuu kala wareegay xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan, lama tashado waxba ma waydiiyo, wasiirro uu danaha ku fushado ayuu ka xeystaa oo danahaas gurrucan ku sameystaa, odayaashiina marka ay arkeen inaan madaxweyne waxba aanan ugu fadhin iyagaa yiri meel fariista, anagaa shaqadaas qabaneynee, markaa waxay noqotay madaxweynihii iyo nabadoonadii inaan loo dhaxaynin”, ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Xildhibaanku waxa uu ku hanjabay haddii shirka Jowhar ka furmaa uu gaaro heer ergo oo bartilmaameedku yahay; in uu taageeri doono maamul gooni ah oo uu yeesho Hiiraan, waxaana sameysmaya ‘Hiiraan State’ oo xubin ka ah maamul goboleedyada dalka, waana sida aan xogogaalka u ahay, ayuu yiri.

Waxa uu xildhibaanku hoosta ka xariiqay inuu jiro mooshin baarlamaanka horyaalla oo ka dhan ah shirka Jowhar:

“Baarlamaanka waxaa horyaallo mooshin oo xidhibaanno kasoo jeeda Hiiraan iyo xildhibaanada intooda badan oo kale ay saxiixeen, oo xukuumadda loo sheegayo in dib loo dhigo dhismaha maamulka labadaas Gobol (Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe), inta doorashadan ay dhamaaneyso, mooshiinkaas shalaa baaralmaanka laga rajiistar gareeyay oo laga diiwaan galiyay doodiisuna marka ugu horeysa ayay bilaabaneysaa, mana u malaynayo iney dood badan noqon karto, waa loo codeyn doonaa, waxaan rajeynayaa in xukuumadda ay meeshaa ka helaan farriin aad u xoogan oo loo sheego iney arrintaa dib u dhigaan”.

“Sida aan Madaxweynaha iyo kooxdiisa aan ku aqaanno ma yeeli doonaan, waxaase dhici karta inuu mooshinku weji badbaadis u noqdo oo uu yiraahdo meeshaa waxbaan la damacsanaa laakiin baarlamaankaa iga hor istaagay, go’aan kaas baarlamaanku laba bari iyo seddexda bari ee soo socota wuu soo bixi doonaa inshaa Allaah”.

Ugu dambeyn waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay sida uu xalka uula muuqdo, maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexena lagu gaari karo, waxaanuu yiri:

“Kalsooni darradu meel aad u fog ayay gaartay, waxa ugu fiican oo hadda la sameyn karo in waxaan dhulka la dhigo, dadka shacabka ah ee wax isku darsanayaa ay is arkaan, in maamul u sameynta labada gobol dib loo dhigo oo doorashadan weyn ee hadda la hadal hayo laga baxo, markaas mas’uuliyiin aan dan ka lahayn maamul u sameyntaas ayaa maamuli doonta wax wanaagsan ayaana dhici doona”.

Goobjoog News