Mooshinkii Ammaanka ee Horyaallay Xubnaha Golaha Shacabka oo Maraya Meel Xasaasi ah

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa waxay sii amba qaadeen shalay oo Arbaco ah mooshinkii amniga,kaas oo hadda marayay meel xasaasi ah oo su’aallo lagu waydiinayo mas’uuliyiinta ugu sarsareeysa ee xukuumadda federaalka iyo hay’adaha ammaanka dalka.

Xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla in muddo ah mooshin ku saabsan Xasaanadda iyo Ammaanka oo loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka 8.02.2016, mooshinkan ayaa waxaa soo saxiixay xildhibaanno gaaraya illaa 54 xubnood oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka, kaas oo illaa iyo hadda ka furan golaha shacabka oo aan dhinac u dhicin.

Kulanka baarlamaanka ee Arbacadii shalay ayaa ajandaha xildhibaannada horyaallaa uu ahaa hal qodob oo ah Su’aallo weydiinta Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaase si lama filaan ah kulanka uga soo dhex muuqday taliyaha nabadsugidda Qaranka Gen C/raxmaan Tuuryare oo isna ay halkaa su’aallo ku weydiiyeen xubnaha golaha shacabka.

Sida aan wararka ku helayno kalfadhigii shalay ayaa la isla gaaray illaa makhribnimadii xalay, iyadoo Su’aallo xasaasi ah lagu weydiiyay ra’iisul wasaaraha iyo Taliyaha Sirdoonka oo si kulul wax looga weydiiyay arrimaha ammaanka iyo sababta keenta amnidarrada sii kordheysa ee guud ahaan dalka.

Maanta oo khamiis ah ayaa loo ballamay in su’aallo weydiintii la sii amba qaado, iyadoo la filayo inuu baaqdo shirkii isbuuclaha ahaa ee golaha wasiirrada, maadaama xukuumadda iyo hay’adaha amniga laga sugayo xarunta golaha shacabka, si loo dhameys tiro mooshinka amniga oo xildhibaannada horyaalla, go’aanna looga soo saaro.

 

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW