U bood dhigaalka

Mootooyinka ka shaqeeya degmada Afgooye oo amar lagu siiyay in ay iska diiwaan geliyaan xarunta maamulka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ayaa ku amray dhamaan Mootooyinka ka shaqeeya degmadaasi iyo nawaaxigeeda in ay iska diiwaan geliyaan xarunta maamulkaasi ka dib markii ay sheegeen in ay caawiyaan dadka Isbaarooyinka dhigta.

Xaaji Gaaboow oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan ay ku amrayaan dadka leh Mootooyinka in muddo 10-maalin ah isku soo diiwaan geliyaan, wixii ka dambeeya aysan mas’uul ka noqon doonin wixii dhaca.

“10 cisho isku soo diiwaan geliya, waxaan maqalnay in ay qaadaan dadka tuukada ah ee Isbaarada dhigta, qofkii isbaaro lagu arko waa dil, hadaba adna haku dhiman, hana isku qaadin nin isbaaro dhiganaaya” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Afgooye.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulkooda ay go’aan ku gaareen in la toogto cidii la arkaa iyada oo Isbaaro u dhiganaysa gaadiidka gala degmada Afgooye iyo midka ka baxa intaba.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News