U bood dhigaalka

Moroco Oo Xiriirka U Jartay Iran

Sheeko:Dalka

Baqortooyada Moroco ayaa sheegtay in ay xiriirka u jartay dowladda Iran,iyada oo ku eedeysay  Dahran in ay taageerto Jabhadda Polisario.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Moroco Nasser Bourita oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay In Ribaad ay xireyso safaaradda Iran ayna eryeyso safiirkeeda.

Wasiirka  ayaa ku eedeeyay ururka Xisbullah in ay ku lug leeyihin hub loo keenay Jabhadda Polisario.

Nasser Bourita oo arrintan ka hadlayey waxaa uu yiri “ Shixnaddii ugu dambeysay oo hub ah waxaa loo diray Jabhadda ay taageerto AL-jeria iyada oo loo sii marsiiyey xubno ka tirsan safaaradda Iran ee ku taallo AL-jeria.

Xisbullah ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku beenineyso arrintaan, waxaa ayna tilmaantay in ay tahay arrintaan mid sheegasho iyo been abuur ah.

Ilaa iyo hadda Iran kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan arrinta xiriir jarista.

Goobjoog News