U bood dhigaalka

Mowjadaha Mobilka oo Saameyn Ku Leh Qanjirrada, Cayilka iyo Baahida Badan

Dr. Axmed Sabri oo ah Dhakhtar Carab ah ayaa sheegayn in Muujadaha ay soo saaraan Mobillada ay waxyeello u geystaan Qanjirka cunaha taas oo keeneysa in Hormoonada qaar dhibaato soo gaarto kadibna aad u yaraato gubniinka dufinta jirka iyo Shuluqnimo.

Dhakhtar Sabri waxaa uu leeyahay, qofka hadii 20 daqiiqo maalin walba Mobil adeegsado muddo 5 sano ah ama xitaa 40 daqiiqo muddo 3 sano, waxaa hubaal in uu ka qaadayo cayil Xad dhaafka.

Daraasad kale oo Mareykankan laga sameeyay waxaa ay leedahay  ifka ka soo baxa Mobilka waxaa uu keenaa Baahi badan, qofka marka waxaa uu cunayaa cunto badan, waxaana ku dhacaya cudurka cayilka.

Culimada waxaa ay intaa ku darayaan in ay jiraan 30-70 waxaa qeyb ka qaata Jiinaadka si qofka uu u cayilo.

Hey’adda caafimaadka aduunka EE WHO loo yaqaano waxaa ay diiday in caruurta 3-9 u dhaxeysa ay ciyaaraan Game-ka ku jira Mobilka, arritaan waxaa ay WHO ku sheegtay in cunuga caqligiisa uu is dhimayo, waxaa ay sidoo kale ka hor istaageysaa in uu ciyaaro kadibna waxaa uu u cayili doonaa si fudud.

Dailmail waxaa ay qortan in xitaa laga fiican yahay in Mobilka lagu Chajer-gareeyo qofka la seexdo, oo taasi ay keeni karto in kuleylka jirka uu is dhimo, oo cayil ay arrintaas la dhalato.

Goobjoog News,