U bood dhigaalka

Mowliid Mataan Oo Si Kumeel Gaar Ah Loogu Magacabay Guddomiyaha Guddiga FEIT

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal FEIT ayaa shaaciyay in gudoomiye ku-xigeenkii guddiga Mowliid Mataan Salaad uu si kumeel gaar ah u sii haynayo xilka guddoomiyaha guddiga FEIT.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in kadib xilka qaadistii guddomiyaha guddiga ay shalay ku sameeyen xubna ka tirsan FEIT, uu xilka sii hayn doono guddomiye ku-xigeenka guddiga.

FEIT ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeyn doonan sidii hogaan cusub lagu soo dooran lahaa si loo dardar geliyo howlaha doorashada.