U bood dhigaalka

Mowliid Xuseen oo Ku Guuleystay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad ayaa noqday guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo  hadda lagu soo gabagabeeyay xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad oo noqday guddomiye ku-xigeenka Labaad ee ugu horreeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku guuleystay codod gaaraya 28 cod.

Cododka Sida Loo Kala Helay:

Mowliid Xuseen Guhaad: 28 cod.

Cabdikaafi Macallin Xasan: 24 cod.

Xildhibaannada codeeyay ayaa gaarayay 52 xildhibaan, waxaana sidaa lagu soo gabagabeeyay doorashadii Guddoonka baarlamaanka oo soo dhameys tirmay.

Goobjoog News