U bood dhigaalka

Mozambique: 100 kun Oo Rag Ah Oo La Gudayo Si Looga Hortago HIV AIDS

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda Mozambique ayaa bilowday Mashruuc lagu gudayo in ka badan 100-kun oo nin.kuwaasi oo ku nool dalkaasi, si looga hortago cudurrada ku faafa galmada oo ay ka midka yihiin “HIV”.

Madaxda caafimaadka ee gobollada dhexe ee Mozambique ayaa sheegay in Ololahaan ay xoogga ku saari doonaan gobollada Ato, Molocue, Ile iyo Gurue, kuwaasi oo inta badan uusan ku shaacsaneyn Gudniinka.

Waa wajigii labaad ee Ololahaan oo soo bilowday sanadkii hore, waxaana lagu Guday ku dhowaad 84-kun oo nin oo ku nool gobolka.

Abdul Razak oo ah Dhaqtar sidoo kalena ah guddoomiyaha gobollada dhexe ee Mozambique oo ah meelaha ugu dadka badan dalkaasi ayaa taageeray ololahaan, isaga oo tilmaamay in Gudniinka uu yareeyo cudurrada waxaa uuna yiri.

“Gudniinka ragga iyo qorshayaasha kale waxaa loo adeegsadaa in loogaga hortago cudurrada, sida HIV oo aan laheyn daawo”.

Ololaha gudniinka ee laga wado gobollada dhexe ee Mozambique waxaa ku baxay labadiisa waji qarash dhan hal milyan oo doolar oo ah lacag ay ka heshay Mozambique madaxa gargaarka Mareykanka ee HIV “PEPFAR” .

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka aduunka, Gudniinka waxaa uu yareeyaa halista in uu ku dhaco ragga cudurka HIV, kaasi oo la dagaallama difaaca jirka.

Muslimiinta ku nool Mozambique ayaa waxay gaarayaan 4-Milyan oo qof oo u dhiganta 17-20%, waxayna dadka intooda badan ay heystaan diimo kale.

Goobjoog News