U bood dhigaalka

MSF: Soomaali Kasoo Carartey Abaar Ayaa u Gudbay Itoobiya

Sheeko:Dalka

Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in qaxooti badan oo Soomaaliyeed islamarkaana ka cararay abaaraha ka jira dalka ay ka tallaabeen xuduudda u dhaxeysa Soomaaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay MSF ayaa lagu sheegay in dadkaasi ay haysato dhibaato badan oo ay kamid yihiin cunno la’aaan, biyo yari iyo sidoo kale hoy la’aan.

Dadkan ayeey hay’adda ku sheegtay iney ahaayeen dadkii awooday iney ka hayaamaan deegaannada ay abaartu ka jirto, balse sidoo kale ay jiraan dad awoodi waayey iney kasoo hayaamaan deegaannada ay ku nool yihiin, misane abaar daran ay ka jirto.

MSF ayaa tilmaantey in dadka ka barakacay abaaraha Soomaaliya ay ka kala tageen gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, islamarkaana yihiin dad gurmad u baahan.

Abaar saameysay dadka iyo duunyada ayaa ka taagan gobollo badan oo Soomaaliya ah, waxaana xoolo badan u dhinteen Harraad, iyadoo hadda loo baqayo in dadkuna biyo la’aan ay u geeriyoodeen.

Goobjoog News