U bood dhigaalka

Mucaaradka Farmaajo Oo Loo Magacaabay Wasiirka Amniga

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Mucaaradka Farmajo u magacaabay Wasiirka Amniga XFS.

Rooble ayaa sheegay in baahi badan oo ka jirta wasaaradda Amniga awgeed xilka looga qaaday Wasiirkii hore isaga oo magacabay wasiirka Cusub.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.