U bood dhigaalka

Mucaaradka Koofurta Suudaan Oo Sheegaya In Nabadda Ay U Baahantahay Waqti Dheer

Sheeko:Dalka

Mucaaradka Koofurta Suudaan ayaa sheegay in xaqiijinta nabadda dalka ay u baahantahay waqti dheer iyo in la ogaado waxyaabaha keenay dagaalka sokeeye.

Mucaaradka oo war-murtiyeed soo saaray ayaa waxay tilmaameen in nabadda dalka aan lagu keeni Karin waqti kooban taasina ay u baahantahy in la siiyo waqti dheeraad ah si loo darso waxyaabaha keenay dagaallada Sokeeye ee ka jira Koofurta Suudaan.

Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo mucaaradkiisa Machar ayaa markii ugu horreeyay ku kulmaya dalka Itoobiya ka dib markii uu burburay heshiiskii nabadgalyada oo u dhaxeeyay labada dhinac sanadkii 2016.

Waxaa magaalada Adis-ababa ka socda kulan aan caadi aheyn kaasi oo lagu gorfeynayo xaaladda ka taagan Koofurta Suudaan iyo sidii heshiis look ala dhex dhigi lahaa labadaan nin.

Dowladaha Soomaaliya, Suudaan, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, Ugandha Eritrea oo ku mideysan urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la soo afjaro xaaladda murugsan ee ka jirta Koofurta Suudaan ka hor inta uusan dhicin shir madaxeedka Midowga Afrika.

Goobjoog News