U bood dhigaalka

Mucaaradka Madaxweyne Joseph Kabila oo Bilaabay Shaqo Joojin Guud

Sheeko:Dalka

Mucaaradka madaxweynaha dalka Congo Joseph Kabila ayaa bilaabay shaqo joojin guud kadib markii guddiga doorashooyinka ee dalkaasi ay  ku dhawaaqeen inaaney suurtogalayn dooorashadii bisha November, sababo ay ku sheegeen diiwaangelinta doorashada oo aan wali soo dhameystirmin.

Goobjooge la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay u adeegsadeen gaaska dadka ka ilmeysiiya si ay u kala diraan dibad baxayaal boqolaal gaaraya oo iskugu yimid xarunta xisbiga mucaaradka ugu weyn ee ku taalla degmada Imity ee gudaha Kinshasa, iyo sidoo kale dhex bartamaha magaalada.

Deegaanada mucaaradka ayaa dadku intooda badani waxay iska joogaan guryaha, tukaamadiina waxaa lagu jabiyay quful, si ay dadku u muujiyaan diidmadooda ku aaddan dib u dhaca doorashooyinka. Illaa hadda waxaan la ogeyn dhibaatada dhaqaale ee uu keeni karo shaqo joojintan ay sameeyeen mucaaradka dalka Congo, maadaama ay dalkaas ka howlgalaan shirkado ajinaanib ah oo si weyn dalkaa u maalgashaday.

Xukuumadda dalka Congo ayaa bilowday wadahadallo ku aaddan  jadwalka doorashooyinka qorsheysnaa bisha November. Mucaaradka ayaa diiddan wadahadalka oo ay u arkaan marmarsiyo la doonayo in dib loogu dhigo doorashooyinka.

Bruno Chibala oo ah afhayeen u hadlay mucaaradka ayaa  Farance Internationale Radio u sheegay ; ” Marmarsiyaha dowladda iyo isburinteedu way sii kordheysaa, waxay doonayaan iney saameyn ku yeeshaan dhex dhexaadiyaha si natiijada wadahadal kasta oo lala galo ay uga been abuurtaan”. Waxaanuu tilmaamay in sababtaasi tahay tan ugu weyn oo ay u diidan yihiin iney la fariistaan xukuumada miiska wadahadalka.

Mas’uul u hadlay xukuumadda Congo ayaa sheegay in shaqo joojinta ay wadaan dad mayal adag oo diidan in lala furo wax wadahadal ah oo xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalkaas.

Mucaaradka Kabila ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu ka meer meerayo in doorasho xor ah oo xalaal ah la qabto si uu xukunka muddo kale u sii joogo iyadoo mudada xilhayntiisa madaxtinimo ay ku eegtahay bisha December ee sanadkan . Dalka Congo ayaan waligii arkin kala guur si nabad ah awooda lagula kala wareego tan iyo madaxbannaanidii dalkaas ee 1960-kii.

Goobjoog News