U bood dhigaalka

Mucaaradka Oo Rooble Kulan Kula Qaadanaya Muqdisho

Sheeko:Amniga

Midawga musharixiinta xilka madaxweynanimada Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah xafiiskiisa kula qaadanaya ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan oo ay goobjoog yihiin madaxweynayaashi hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, Sheikh Shariif iyo Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan golaha midawga musharixiinta.

Shirka ayaa looga hadlaya arrimo ku saabsan doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda, kuwaas oo midawga musharixiinta ay walaac xooggan ka muujinayaan sida uu Rooble u maamulayo doorashooyinka golaha shacabka.

Midawga musharixiinta ayaa horay u sheegay in haddii aan wax laga badalin qaabka ay wax ku socdaan ay dhankooda qaban doonan doorasho bar bar socota midda Farmaajo iyo Rooble.

Goobjoog News