U bood dhigaalka

Mucaaradka Somaliland oo Ku Baaqay Qabashada Banaanbaxyo Ballaaran

Sheeko:Amniga

Musharax madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah  Waddani ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ku baaqay in taageerayaasha xisbiga ay sameeyaan dibadbaxyo lagu diidan yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii xukuumadda iyo mucaaradka ay isku maandhaafeen qabsooomidda doorashada madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in dibadbaxyada looga soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay ‘xil gudasho la’aanta ee madaxweynaha ku kacay’ iyo dhibaatooyinka haatan ka taagan Somaliland, isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id wuxuu sidoo kale sheegay inay dadaal ku bixinayaan sidii lagu sameyn lahaa isbaddallo dhanka dimuqraadiyadda ah oo ka dhaca dhulka Somaliland.

“Waxa aan ugu baaqeynaa taageerayaasha Xisbiyada mucaaradka ah in ay si ballaadhan oo qorsheysan ugu diyaar garoobaan in dib loo bilaabi doono bannaanbaxyadii nabadeed ama mudaharaadkii silmiga ahaa ee aynu hore u hakinay kuwaas oo ka qabsoomi doona dhammaan Gobolada & Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri  Cirro.

Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa horay ugu eedeeyay madaxweyne Biixi inuu doonaayo in doorashada uu dib uga dhigo waqtigii loogu talo galay doorashada madaxweynaha in ay dhacdo, iyadoo la xasuusto in dhowaan kulan sedexda xisbi isugu yimaadeen uu ku dhammaaday natiijo la’aan, waxaana horay u dhacay dibadbaxyo.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda talada haysa uu hoggaamiyo xisbiga Kulmiye ee ku aadan mudaharaadyada ay ku baaqeen, mudaharaadyadaan ayaa waxaa horay loo hakiyay bishii June, kadib markii guddi isku xilqaamay ay ku qanciyeen mucaaradka joojinta mudahaadyo nabadeed oo ay  ku dalbanayeen in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

Goobjoog News