Mucaaridka Somaliland: Lama Aqbali Karo Dib U Dhaca Doorashada Baarlamaanka

Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddida doorashooyinka ku eedeeyay dib u dhaca markii shanaad ku yimid doorashada baarlamaanka iyo degaanka.

Laba xisbi mucaaarid ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha kumeel gaadhka ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan aanay aqbali doonin doorasho dambe oo ay qabtaan guddida hadda joogta, haddii kuwa hadda jooga la kala dirana loo baahan yahay in loo sinaado tirada xubnaha guddida cusub.

Dhinaca kale, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID  Cabdinaasir Muxumed Xasan oo isna warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay shacabka ugu baaqayaan banaanbaxyo, haddii mar dambe muddo kordhin aan laga heshiin loo sameeyo baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka Somaliland.

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo degaanka taasi oo la filaayay in ay qabsoonto bisha march ee sanadka soo socda.

Goobjoog News, Somaliland.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW