U bood dhigaalka

Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug Oo Sheegay In Wada Hadal Ay La Geli Donaan Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Gaafow oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in wada hadal ay la geli doonaan ahlu-sunna Waljameeca oo maamulkooda kasoo horjeedo.

Waxa uu sheegay in maamulkooda ay geed dheer iyo mid gaabanba ay u korayaan sidii ay wada hadal ula geli lahaayeen cid walba oo wax ka tabanaysa uguna horeyso Ahlu-sunna Waljameeca.

“Anaga diyaar baan u nahay in wada hadal aan la galno Ahlu-sunna Waljameeca, waxaad ogtihiin in madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaaqay arrinkaasi, markii la doortay, anigane shaqsi ahaan aad baan u aqaanaa Ahlu-sunna waana isla soo shaqeynay” ayuu yuru Xildhibaan Cabdullaahi.

Sidoo kale waxa uu sheegay mudanaha in haatanba ay jiraan wada hadallo u dhaxeeya iyaga iyo Ahlu-sunna si meesha looga saaro mad madowga siyaasadeed ee jira.

Ururuka Alu-sunna Waljameeca iyo maamulka Puntland ayaa diidan maamulka cusub ee Galmudug, hase ahaatee hogaanka maamulkan waxa uu sheegay in wada hadal uu la galayo cid walba oo maamulkiisa diidan.

Goobjoog News