U bood dhigaalka

Mudavadi oo Aqalka Cad u Sheegay in Badda Ay Kenya Leedahay Haddii Soomaaliya La Siiyana Dhaceyso Xasilooni darri

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha xisbiga ANC ee Dalka Kenya Musalia Mudavadi ayaa sheegay in loo baahanyahay in beesha caalamka ay soo farageliso, xalna u hesho muranka xad badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo xaaladda ku tilmaamay mid khatar ah.

“Beesha caalamka waa in aaney yareysan arrinkan, oo aaney fududeysan sida shirkadaha waaweyn ee shidaal qodista damaca ugu jira aaney dhicisin dadaallada cadaaladda”, Mr Mudavadi ayaa sidaa yiri

Guddoomiyaha xisbiga ANC  ayaa intaasi raaciyey “Haddii cadaaladda la garab maro, oo la siiyo Soomaaliya waxaa ay abuuri-doontaa xasilooni darro”.

Mr Mudavadi  waxaa uu arrinkan ka sheegay mar uu Washington DC kula kulmay saraakiil ka tirsan Mareykanka oo ay ku jiraan Mr David Gilmour,  agaasimaha xafiiska geeska Afrika ee madaxtooyada iyo Mr Marc Norman oo isna ah agaasimaha xafiiska ladagaalanka argigixisada ee xafiiska madaxweynaha.

Ninkan Mudavadi ah waxaa kale uu ku dooday in Soomaaliya ay tahay dal tabar daran, oo hoy u noqon karta argigixisada.

“Dalalka guuldareystay ama liita waxaa la ogaaday iney hoy u noqon karaan argigixisada “ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Dalka Kenya ayaa muxaafid iyo mucaaradka waxaa ay ka mideysan yihiin iney dhacaan dhul badeedka Soomaaliya iyada oo beesha caalamka ku cadaadisanaya in kiiska laga soo celiyo maxkamadda ICJ.

Goobjoog News