“Mudo Dheer Ayaan Ka Maqneen Tartamada Qaarada Aan Adkee Sano” Guddoomiye Maxamed Axmed

Gudoomiyaha kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyeentii garoonka aadan cadde ka sagootisay kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu aad ugu faraxsanyahay in naadiyada wadankeena ay kusoo laabtaan ciyaaraha qaarada Africa arinta ay kor u qaadayso heerka maanta ay joogto kubbadda cagta Soomaaliya.

“Waxaa arinta ku mahadsan madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo da’daal dheer ku bixiyay in kooxaheena ay ka qeybgalaan tartamada qaarada Africa waxayna nagu dhiiri-gelinaysaa hadaan nahay madaxda naadiyada kubbadda cagta dalka in aan horay usii wadno da’daalkeena horomarka” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay guddoomiyaha kooxda Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed.
Ka Horseed waan garab taaganahay kooxaha aan saaxiibada dhawnahay,hadii ay hal naadi ay safar aadaysa 25-koox ee u diiwaangashan xiriirka kubbadda cagta waa waajib in ay is garab istaagan.
Halkan Ka Daawo Waraysi Oo Goobjoog Siiyay Guddoomiyaha Kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW