U bood dhigaalka

Muftiga Sacuudiga oo Booriyay in La Taageero Dalka Turkiga

Sheeko:Dalka

Sheekh Cabdi Casis Ala-Sheekh oo ah Muftiga boqortooyada Sacuudiga ayaa umadda Islaamka ku booriyay in la taageero dalka Turkiga loolankiisa kala dhaxeeyay dalka Ruushka.

Muftiga waxaa uu intaa ku daray in Turkiga uu yahay dal Islaam ah oo weyn isla markaana ay Khasaare weyn noqon doonto haddii uu meesha ka baxo.

Todobaadkii hore waxaa Bayaan ay soo saareen Midowga Caalamiga ee Culimda Islaamka ay ku taageereen mowqifka dalka Turkiga iyagoo ka codsaday umadda Islaamka in Turkiga dhaqaale ahaan iyo dhinac walbo laga taageero.

Ruushka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga kadib markii uu soo riday diyaarad kusoo xadgudubtay hawada dalkiisa.