U bood dhigaalka

Mugga ay Leedahay Booqashada Obama ee Bariga Afrika

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa soo gaaray dalka Kenya, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey , waxaana u bilaabanaysa  booqasho labo maalmood ah uu ku joogayo dalka Kenya, mudada uu joogo waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Dalkaasi Uhuru Kenyatta, waxaa uu ka qeyb gali doonaa kana khudbeyn doonaa shirweynaha ganacsiga yaryar ee adduunka ama Global Entrepreneurship Summit, waxaa uu sidoo kale la hadli bulshada rayidka ah halka Axadana lagu wado in uu u safro dalka Itoobiya.

Barack Obama, waxaa markii ugu horesay ee la doortay 4-November 2008-da waxa ay ahayd daqiiqado ay maalaayiin Afrikaan ah ku farxeen doorashadii Obama, xaqiiqna ay noqotay riyadii  Aabii Bulshada Rayidka ee dalka Mareykanka Martin Luther King oo 28-kii August 1963 ku yidhi shacabka Mareykanka Oraahdii Caanka ahayd ee” I Have a Dream” ama waxaan leeyahay Riyo.

Doorashada kadib,  Obama ayaa dadka Mareykanka iyo Caalamkaba u khudbeeyay, waxaana ka mid ah khudbadii  “Just Weekend”.

Madaxweyne Obama ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Chicago wax yar kadib markii natiijada soo baxday u sheegay dadka Mareykanka iyo dunidaba in doorashadan ay tariikhi u tahay dhamaan dadka Mareykanka,  Madoow iyo Caddaan, Taajir iyo Faqiir, Democrati iyo Repuplican-ka…., isagoo uu dhaartay Argagixsad inuu Garaaci-doono dadka Nabadda Jecelna uu Taageeri-doono.

Obama waxaa kaloo uu caddeeyay inuu wax ka qaban doono dhaqaalaha Mareykanka, dhismaha Iskuulada, Caafimaadka, Cimilada……isagoo intaa ku daray in arintaas aan wax looga qaban karin habeen iyo hal xili oo isaga lasoo doorto,  isagoo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa ugu hambalyeeyay inay u guuri-doonaan “AQALKA CAD”.

Geeska Afrika iyo Ninka Madow iyo Aqalka Cad:

Barack Obama, markii uu degay Aqalka Cad, Afrikaanka gaar ahaan dadka ku nool geeska Afrika rajo weyn ayey ka qabeen in uu wax badan ka badali doono siyaasadaha arimaha dibadda gaar ahaan tan ku aadan Geeska Afrika arintaas oo maanta meesha ka baxday.

Kenya iyo Doorashadii Obama

Maalintii Obama loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Mareyakanka,  lagama seexan guud ahaan dalkan Kenya gaar ahaan magaalada Kisumu oo ah maagalada ay kasoo jeedaan qoyskiisa.

Obama walalkiisa Malik Obama, Eedooyinkiis iyo Ayeeyadiisa Aabo dhashay iyo dhamaan qoyska waxay isugu yimaadeen Tuuladii ay kasoo jeedeen, Obama ee Kagelo halkaas oo Xoolo lagu qalay farxad darteed, Tuuladan oo uu Obama booqday 2006-dii.

Obama oo  47-ba jir ahaa waxaa uu asal ahaan kasoo jeeda Qabiilka Luo ama Jaluo ee dalka Kenya, waxaa iska dhalay Xuseen oo ahaa nin islaam ah oo kasoo jeeda dalkan Kenya iyo Ann Dunham oo aheyd Hooyo Caddaanka Mareykanka ah oo  ka soo jeeda gobolka Kansas, Kenyanka waxaa ay u farxeen sidii inuu Madaxweynahoodii yahay laakin 7 sano kadib waxaa ay hadda ogyihiin in aanu aheyn ninkii ay moodayeen.

Dhowr bil ka hor ma wanaagsaneen xiriirka Obama iyo Madaxda sare ee Kenya, Uhuru Kenyatta waxaa uu mar dhaw rumeysnaa in arinta maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka ee Hague ay Mareykanka wax ka wadaan, xitaa markii la doortay Kenyatta, ergayga Obama waxaa uu si cad ugu sheegay Uhuru in cawaaqib xumo la kulmi doono haddii aanu la shaqeyn Maxkamadda, laakiin sida uu Madaxweynaha Kenya sheegay waxaa ay labada dal u midoobeen la dagaalanka argigixasada, waxaana muuqato in la iska iloobay wixii dhex maray iyo naceybkii dowladda Kenyatta u qabtay reer Galbeedka.

Faa’iidooyinka Booqashada Obama

Booqashadan Obama ee Kenya faa’iidooyinkeeda waxaa ka mid ah waa markii ugu horeysay ee Kenya uu booqdo Madaxweyne Mareykanka inta uu maamulka hayo, Mareykanka waxaa uu dib u maalgashan doonaa Kenya taas oo sanadihii ugu dambeysay uu Shiinaha xoog ku heystay, waxaa si fiican loo xardhay lana qurxiyay magaalooyin badan oo ay ku jirto goobta ay ku nooshahay Ayeeyada Obama Mama Sarah Obama oo hadda 95 jir, waxaa kaloo la nuuriyadeeyay Qabriga Obama aabihiis iyadoo la daabacay funaanado ay ku qoran yihiin Obama iyo sawiradiisa.

Tuulada Kagelo hadda waxaa ku yaalo labo Iskuul oo Obama loogu magac daray, waxaa la dhisay 2006-dii kadib booqashadii uu halkaasi Obama ku tagay isaga oo ahaa xubin ka tirsan aqalka Senate-ka, waxaana gacanta ku heyso Obama ayeeyadiis, waxaa kaloo Ayeeyadiis iyo walaalkii ay sameeyeen hay’ad taageerto Garoobada, Agoonta iyo dadka la ildaran HIV-aids-ka, Guddoomiyaha gobolkaas waxaa uu sheegay in haddii Obama uu soo booqdo halkaas uu ka codsan doono in uu u maalgaliyo Mashaariic ay ku jiraan Jaamacad iyo Isbitaal, waxaa hubaal in shirkado badan oo Mareykanka ay maalgishan doonaan Kenya booqashadan kadib.

Soomaliya iyo Obama 

Soamaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii doortay Barac Obama sanadii 2008-dii maadaamaa uu ahaa nin Afrikaan ah, kana xigey musharixiintii kale.
Dhinaca kale bulsha weynta Soomaalida ayaa niyad wanaag u muujiyay doorashada Barac Obama, iyagoo rajeeyay inuu wax ka qaban doono Xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, arimaha Faqriga, Aids-ka iyo Cimilada.
Obama waxaa uu soo booqday dalkan Kenya gaar ahaan Waqooyiga Bari oo ah Gobolada ay Soomaalida degto ee dalkaas 2006-dii isagoo xiligaas ahaa senator , si fiican ayuu u yaqaano Soamaalida iyo Soomaaliya laakiin siyaasadiisa ku aadan Soomaaliya waxaa ay isku badashay la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan Argagixisada.

Soomaaliya iyo Mareykanka xiriirka ka dhaxeeya ma ahayn mid fiican mararka qaar,  dowladdii Siyaad Barre waxaa ay aheyd nidaam Shuuci ah, wuxuuse xiriirka sii wiiqmey markii dagaaladii sokooye kadib October 3, 1993 ay Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force isku dayeen in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid, dagaal dhacay 18 askari ayaa la dilay iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay.

Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen taas oo keentay in ciidamdiisa uu kala baxay  Soomaaliya  1994-tii.

Bishii Janaayo 17-keedii,  2013: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar ku tagay dalka Mareykanka xiligaasi oo dowladda Maraykanka ay sheegtey in markii ugu horeysey ay aqoonsatay dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah oo Soomaaliya ka jirta wixii ka dambeeyey 1991-dii.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa uu Mareykanka qaaday tilaabooyin kale sida Qaadidda Cunaqabadeyna Hubka  Soomaaliya 6 March 2013 iyo Obama oo saxiixay in Taageero militari la siiyo Soomaaliya 1 April 2013, laakiin weli waxaa uu dhib ka taagan yahay waxa loogu yeero argigixiso, Mareykanka waxaa uu siduu rabo ka yeeshaa Badda, Hawada iyo dhulka Soomaaliya, Mareykanka waa uu dilaa, xiraa ama masaafuriyaa cidda uu u arko khatar in ay ku tahay danihiisa geeska Afrika, Soomaalida waxaa ay shaki weyn ka qabtaa Mareyakanka iyo hay’adihiisa.

Mareykanka iyo Djabuti

Jabuuti waxaa uu Mareykanka ku leeyahay Saldhig Militari oo aad u weyn, kaas uu ku ilaaliyo danihiisa Marinka Baabul Mandab ee badda cas, waxaa uu sidoo kale halkaas la ilaaliyaa Ruusha iyo Shiinaha, Mareykanka waxaa uu  siduu rabo ka yeeshaa Biyaha iyo hawada Jabuutia isagoo adeegsanaya saldhigaas, dadka reer Djabuti faa’ido la taaban karo kama helaan saldhigyada tirade badan ee reer Galbeedka gaar ahaan kan Mareykanka oo 20 sano heshiisku yahay.
Mareykanka iyo Eretria

Eretria waa dowlad kale oo  Obama iyo maamulkiisa aan waxba ka faa’idin, waayo ma wanaagsana xiriirka Aqalka Cad iyo Eretria oo uu Bush ku tiriyay dowladaha taageera Argagixisada….Obama ayaa horay u balan qaaday inuu la fariisan doono cid walba oo wax ka tabanaysa Siyaasadihii gurac-naa ee Bush, balaantaas wax badan kama qabsoomin

 Mareykanka iyo Itoobiya

Mareykanka waxaa uu Itoobiya u taageeraa si indho la’aan ah, waxaa ka fushtaa danaha uu ka leeyahay Soomaaliya, taasi badalkeeda waxaa uu indhaha ka qabsadaa tacadiyada Itoobiyaanka.

Sanadii 2006-dii Maraykanka waxa uu qarash badan ku bixiyey ciidamada Itoobiya si ay xukunka oga tuuraan maxkamadihii Islaamiga ee dalka ka dhashay.

Warbixin ay soo saartay  hey’adda Human Rights, Ethiopia waa dalka ugu badan ee deeqaha ka hela dalka Mareykanka, sanadkii tagay ee 2014-ka, waxaa uu Obama siiyay Itoobiya  $4 billion, Human Rights waxaa ay la yaaban tahay labo afleynta Mareykanka, waxaa ay ay weydiisay sida Mareykanka ku bixinayo lacag intaa la eg halka Itoobiya ay ku tumato xuquuqul insaanka, Xuriyadda hadalka, Barakicin qasan ah iyo arimo kale.

Booqashada Obama iyo Afrika

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu ka qeyb galayaa shirka Nairobi  Global Entrepreneurship Summit. (GES), shirkan oo markii lixaad dhacaya waa  markii ugu horeysay uu ka dhaco wadamada loo yaqaano waddamada saxaraha ka hooseeya.

Shirka uu Obama ka hadli doono, waxaa kasoo qeyb galaya Boqolaal isugu jira Maalgashato, Ganacsato, Hay’ado iyo Madaxda ka socota dowladaha Afrika, waxaa shirka si wada jir ah u martigalin doona Mareykanka iyo dowladda Kenya.

Afrika waxaa uu dhib ka jiraa shaqada, waxaa lagu wadaa in  122 million oo ka tirsan Dhalinyarada Afrika ay shaqo helaan 2020 halka Malaayiin kale ay weli ka cabanayaan shaqo la’aan, waxaa hubaal in rajo badan aan laga qabin Natiijada shirka iyo shaqo abuuris ka timaada Mareykanka iyo Maalgashi uu ku sameysto Afrika.

Dadka Afrikaanka ah, si fiican ayey u barteen Obama, 4-tii sano ee ugu horeysay maamulka Obama, Afrika lug sooma dhigin wadamada Saxaraha ka hooseeya marka laga reebo marka uu ku hakaday Ghana.

Dhinaca Waqooyiga Afrika waxaa uu khudbay ka jeediyay Jaamacadda Qaahira 4 June 2009, dhamaan balanqaadyadii uu sameeyay waxba kama fulin.

Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in aan sheegno hal arin oo xaqiiq ah, Obama in uu yahay nin Madow, nin kasoo jeeda asal ahaan Afrika, laakiin taasi micnaheedu ma noqon in uu Afrika wax u taro sidii la rabay.

W/D : Ustaad Cabdicasiis Axmed Gurbiye

Goobjoog News