U bood dhigaalka

Muhaajiriintii Ay Diideen Malta Iyo Talyaaniga Oo Ka Degaya Spain

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in dalka Spain uu ku xirto markab ay saaran yihiin in ka badan 600 oo muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo muddo todobaad ah loo diidanaa iney galaan Talyaaniga iyo Malta.

Muhaajiriintan ayaa si tahriib ah waxay uga baxeen dalka Liibiya, hase ahaatee waxaa badbaadiyey markab gargaar ah oo ay lahayd hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.

Markabka ayaa damcay in dadkaan laga dejiyo dekadaha Talyaaniga, waa loo diiday, si la mid ahna waxaa u diiday Malta.

Dowladda Spain ayaa markabkii ka aqbashay in dadkaasi la keeno dalkeeda maadaama ay xaalad halis ah ku sugnaayeen.

Dowladda Faransiiska ayaa iyana dhankeeda sheegtay iney diyaar u tahay iney qaaddo qaar ka mid ah muhaajiriintaasi.

Goobjoog News