Hellidda Xarun lagula socda caafimaadka hooyada waa muhiim in ay lahaato meel kasta ka tirsan dalka, si loo badbaadiyo hooyada u dhimaneysa daryeel la’aanta xagga caafimaadka xilliyada umusha ama dhalmada ay wajaheyso
Muddo badan oo dalka uusan lahayn dowlad rasmi ah waxaa gabi ahaan meesha ka baxay xurumihii daryeelka hooyada sida MCH yada iyo isbitaaladaii lagula socon jiray xaaladda hooyada xiliyada Uurka.
Balse sanadadii dambe oo dowalado badan ay soo mareen dalka waxaa si tartiib ah dib loogu dhisay xarumo lagula socda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo ay dowladda kala Kaashaneysay hay’ado shisheeya oo caafimaadka u qaabilsan qaramada midoobay.
sanadka marka uu Ahaa 2014-ka dolwadda Soomaaliya oo gacan ka heleysa saddex hay’adood oo Qaramada Midoobey ah aya bilowday mashruuc ballaaran oo cusub oo dhammaan Soomaalida lagu siinayo adeegyo caafimaad oo dhameystiran lacag la’aanna ah, waxana k amid ahaa heshiskaas – in la sii wanaajiyo caafimaadka hooyada, kan taranka, iyo carruurta dhowaan dhashey iyo kan carruurta kale la dagaallanka cudurrada faafa; sii wanaajinta la-socoshada iyo xakameynta cudurrada, taas oo ay ka mid tahay sii-wanaajinta biyaha iyo fayadhowrka; bixinta gargaarka degdegga ah iyo daryeelka kuwa aad u xannuunsan iyo kuwa dhaawaca ah; daaweynta cudurrada dadka ku badan iyo HIV, caabuqyada galmada la isugu gudbiyo, iyo qaaxada.
qaar ka mid ah Haweenka Ku nool magaalada Muqdisho ayaan weediiyay in ay helaan xarumo caafimaad kaa oo lagula soconayo xaaladooda caafimaad xiliyada ay ku guda jiraan dhalmada iyo bilaha uurka ay sidaan.
“Ma helno Xarumaha caafimaadka ee Hooyada dhowr mar ayaan ku dhibtoodaa dhalmada oo waan dhiig baxay mana helin adeegga xaq ahaan u lahaa waana dhiig baxay cunugga Caloosha ayuu ku dhintay hadaan heli lahaa adeeg caafimaad oo dhameystiran iguma dhicin lahayn sidan“
“Maba Helno adeegayada loogu talagalay hooyada uurka leh ama xiliga dhalmada waxaa laga yabaa in meel caafimaad ay u dhawdahay mararka qaar ilmaha ayaa ku qaloocda hooyada ay ku dhibtooto marke waan u baahanahay in aan helno meelo gooni ah“
“Gabar yar ayaan ahay Hadda ayaan mustaqbal sameysan rabaa mana laha adeegyada haweenka taas waa dhibaato dumarka haysata waxaa noo sii dheer baraarujin la’aan sidaa waxaa yiri mid ka mid ah gabdhaha wax ka barta jaamacadaha ku yaalla Muqdisho”
Waa mid ka mid ah haweenka ku dhaqan xeryahay ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha magaalada Muqdisho oo ah dadka ugu badan ee ku dhibtooda xagga dhalmada waxa ay ka sheeganaysaa dhibaatada ay la kulanto xiliyada ay foosha tahay .
“Goob Lagu dhalo malaha aniga marbaan ku dhibtooda dhalmada dhiig baa la igu shubay Koomana waan galay waxaan dhalay ilmo dilan ah hadana dhibaatadaas waxaa inoo sii dheer baxnaano la’aan haysata hooyada foosha Ku dhibtootay marka waa muhiim inaan helno xarumo gooni ah oo hoyada Lagu baxnaaniyo”.
Wasaaaradda caafimaadka u qaabilsan dowladda la socodka xaaladda caafimaad ee muwaadiniinta ayaan u muuqan marka Laga hadlaayo helidda caafimaadka hooyada dhalaanka in ay kaalin wanaagsan ka qaadan oo sanadkiiba waxaa umul raacda tiro aad u farabadan oo haween ah .waxaan taas u sabab ah qadarta Rabi ka sokow wacyi galin ayan helin hooyada iyo adeeg dhamaystiran oo xagga caafimaadka .
Ibraahim Maxamed Nuur waax sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka gaar ahaan qeybta xog uruurinta waxaan weydiiyay hooyada ku dhaqan dalka ma heli kartaa caafimaad dhamaystiran iyo kaalinta ay wasaarada ka qaadatay.
“Qorshaheena waxa uu yahay in wasaaradda ay kaalin wanaagsan ka qadato in hooyo Soomaaliyeed in ay hesho waana ay jiraan xarumo badan oo loogu talagalay in lagu baxnaaniyo hooyada Soomaaliyeed laakiin waxaan la’ nahay hooyooyin ka faa’iidaystaan adeegyada caafimaad oo ah lacag la’aan laakiin ma gaarsiisana adeegyadaas boqolkiiba boqol”
Caa’isho Macallin Xasan Caddaan waxa ay ka mid tahay gabdhaha wax ka barta jamaacadaha Ku yaalla dalka gaar ahaan culuumta caafimaadka waxa ay ku talinaysaa
“Waa in masuuliyadda Koowaad uu qaataa aabaha reerka kadibna lagu baraarujiyaa maamada in waqti walba ay la socoto xaaladeeda caafimaad ,dowladdana waa in ay samaysaa xarumo lagula socdo caafimaadka hooyada uurka leh”
Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa waddamada africa kuwa ugu dhimashada badan haweenka iyo dhalaanka gaar ahaan xilliyada ay dhalmada ku jiraan.
W/D: Ibraahim Xaaji Yuusuf
Tifaftiray Ibraahim Xaaji Yuusuf