U bood dhigaalka

Munaasabaado Isku Soo Beegmay oo Shaqaalaha Dowladda Loo Fasaxay

Sheeko:Amniga

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaqaalaheeda waxaa ay ka fasaxday shaqada labada maalin ee Ciida, taas oo ay naga xigto maalin qura, iyadoo  qoraal kasoo baxay agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada lagu shaaciyay fasaxa shaaqalaha kala duwan inta lagu guda jiro ciida  oo Isniin loo dabaaldagayo.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale marka laga soo tago ciidda waxaa ay u dabaaldegayaan 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha oo sanad waliba caalamka laga xuso , waxaana fasaxa shaqaalaha uu ku egyahay maalinta Talaadada ah oo ku beegan 3-da bisha May 2022-ka, Shaqaalaha ayaa barri u dabaaldegi doona maalinta loo asteeyay.