U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Maamuusayay 26-ka Juun Oo Xalay Ka Dhacday Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay 55 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay gumeestaha Ingiriiska ka xuruubeen gobalada Waqooyi ee dalka 26-ka Juun.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo shacab aad u badan.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah gudoomiyaha guddiga qaban qaabada todobaadka xurriyada oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muddo badan ka dib uu ku faraxsan yahay in lagu qabto aqalka dowladda hoose ee Xamar munaasabadda 26-ka Juun, waxaana uu hambalyo maalintaan ku aadan u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar Carte oo ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay ku dadaalista jawi abuuraya is dhex galka shacabka iyo midowga umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed maalintaan qiimaha badan ee 26-ka Juun.

Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku dheeraaday ka hadlay maalintaan qiimaha ay leedahay.

Waxa uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddaan oo ah markii ay gobalada waqooyi ee Soomaaliya ka xuroobeen gumeystaha Ingiriiska.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana halkaasi laga taagay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xalay dad badan ay xusuus dib ugu noqdeen 1-dii Luuliyo 1960 oo markii ugu horeysay halkaasi calanka Soomaaliyeed laga taagay.

Halkaan hoose ka arag sawirada

Xasan17 Xasan16 Xasan15 Xasan14 Xasan13 Xasan12 Xasan11 Xasan10 Xasan9 Xasan8 Xasan7 Xasan6 Xasan5 Xasan4 Xasan3 Xasan2 Xasan1

Goobjoog News