U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayo Tartan Aqooneedkii Kedis Ee Goobjoog Fm Oo Maanta Lagu Qabanayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu soo gabagabeynayo tartan aqooneedkii Kedis ee Idaacadda Goobjoog, kaasi oo ay ka qeybgaleen 54 Iskuulada sare ee magaalada Muqdisho.

Barnaamijka Kedis oo ay iska kaashadeen Idaacadda Goobjoog iyo Jaamacadda City ayaa mudadii uu socday waxa uu ahaa mid soo jiitay dhageystayaal farabadan.

Munaasabadda maanta waxaa ka qeybgali doona maamulada Idaacadda Goobjoog iyo Jaamacadda City, Guddigii tartankaasi, iyo dhammaan Iskuuladii ka qeybgalay xubno ka socda sida uu inoo sheegay gudoomiyaha guddiga Tartankaasi.

Waxaa abaal marinno qaali ah la siin doonaa Iskuuladii kala galay Kaalmaha kala ah, 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, iyadoo kaalinta ugu horeyso uu galay Dugsiga Mujammac Umul Quraa oo ka mid ah Iskuulada ugu faca weyn ee magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News