U bood dhigaalka

Munaasabad lagu taageerayo madaxwaynaha cusub ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”55″]

Madax ka tirsan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageerayo guushii uu ka gaaray madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga doorashadii ka dhacday dalkaas.

Munaasabadan ayaa waxaa ka ka qeyb galay wasiirka arimaha dibada, wasiirka wasaarada haweenka, xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxdii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa si isku mid ah u taageeray madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdoğan oo ku guuleystay xilkaasi kadib doorasho Madaxtinimo oo dalka Turkiga ka dhacday.

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa lagu muujiyay kaalinta dowladda Turkiga ay ka qaadatay gurmadkii ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyed xilli ay dalka ka jirtay abaar aad u baahsan, iyadoo ay madasha suugaan ka hadlaysa waxqabadka Turkiga ku soo bandhigeen fanaaniinta hobolada qaranka ee Waaberi.

Sahro Cumar Maalin oo ku hadlaysay magaca ururrada bulshada rayidka ah ee ka qeyb galay munaasabadaas ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi doonin taagerada dowladda Turkiga ay u fidisay umada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga arimaha dibada ee Baarlamaanka ayaa wasiirka wasaaradda haweenka uga mahad celiyay sida ay u soo qaban qaabisay xafladan lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo munaasabada ka hadashay ayaa madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdoğan ugu hambalyeysay guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalka Turkiga.

Wasiirka arimaha dibada xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ugu dambeyntii munaasabada ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan dowladda, taasi oo looga gudbi karo dhibaatooyinka ka jira dalka, isagoo ka mahad celiyay taageerada Turkiga u siinayo shacabka iyo dowladda.