U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Weynayanayay Maalinta Midowga iyo Nabadda Yurub oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub ayaa ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
“Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya. Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey.”
Ra’iisu Wasaare Xamse ayaa xusay in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Taageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamartkaana kulansaday karti iyo hufnaan”.
 Midwoga Yurub ayaa Dhankooda,uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxa ayna soo dhoweeyeen Geeddi-socodka Wadashaqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay, iyagoo ku bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.
May be an image of 8 peopleMay be an image of 10 people and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 7 peopleMay be an image of 13 people and crowdGoobjoog News