U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Xusayey 26-ka Juun Oo Xalay Ka Dhacay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa habeekii xalay ahaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayey 26 Juun oo ah markii ugu horreysay oo la dhulkeenna laga taago Calan Soomaaliyeed oo xor ah iyo markii gobollada waqooyi ee dalka xornimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska 1960-kii.

Munaasabadaasi waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii halkaasi khudbadaha ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadlka qiimaha ay leedahay maalintaan iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu weyntahay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay xoojiyaan midnimada iyo sidoo kale wadajirka.

Waxa uu xusay madaxweyne Xasan Sheekh inay diyaar u yihiin in la saxo qalad walbo oo horay u dhacay si loo adkeeyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Abaare 12-kii saq dhexe markii ay saacaddu dul istaagtay ayaa waxaa la saaray calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Buluugga ah, lehna Xidkg Shan Gees leh oo midab caddan ah leh.

Hoos ka daawo sawirada

h11 h10 h7

h6 h5 h4

Goobjoog News