U bood dhigaalka

Munaasabad Loogu Dabaaldegayey Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayey maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin dhowr ah.

Waxaa munaasabadani ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

Ciidamada xoogga dalka ayaa halkaasi kusoo bandhigay gaada ka ciyaar, iyaga oo salaan sharaf siiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa madaxdii iyo martidii kale ee halkaasi ku sugneyd waxa uu sharraxaad buuxda ka siiyay shaqooyinka ay soo qabteen ciidanka xoogga dalka, iyo sidoo kale dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen Al-shabaab.

Wasiirka difaaca dalka C/qaadir Sheekh Cali Diini oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu horeen hambalyo u diray ciidanka, maadaama maalintooda loo dabaaldegayo, waxaana sidoo kale uu wasiirka ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ciidanku soo maray, isaga oo tilmaamay inay joogteynayaan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ciidanka xoogga dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda 12-ka April.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay qabteen shaqooyin aad u muhiim ah, waxaana uu kula dardaarmay inay adkeeyaan waajibaadka saaran.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in la wado diyaarinta qorshe cusub oo ciidanka mushaarkooda lagu siiyo si aanay u dhicin is dabamarin ama wax la mid ah.

Meello badan oo ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa maanta looga dabaaldegay munaasabadda 12-ka April oo ku beegan maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed.

x19 x18 x17 x16 x15 x14 x13 x12 x11 x10 x9 x8 x7 x6 x5 x4 x3 x2 x1

Goobjoog News