U bood dhigaalka

Munaasabadda 91 guuradii kasoo wareegtay curashada dalka Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRO)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu maamuusaayay 91 guuradii kasoo wareegtay cusrashada dalka Turkiga, waxaana ka qeyb galay munaasabadaasi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda.

Munaasabadaan oo ka dhacday xarunta safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa mas’uuliyiin aad u badan iyo marti sharaf kale.

Waxaa halkaasi hadal ka jeediyay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar, waxaana uu sheegay in maalintaan oo kale shacabka Turkiga qiimo badan ay ku leedahay.

Sanadka markii uu ahaa 1923-kii ayuu sheegay in dowladda Turkiga curatay, maadaama wixii ka horeeyay xilligaasi dalkaa ay maamulayeen Boqrtooyada Cusmaaniyiinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horeyn maalintaa ugu hambalyeeyay shacabka Turkiga, waxaana madaxweynaha dhanka kale uu ka hadlay xiriirka u dhaxeeya Soomaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga sidii ay usoo garab istaagtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan sanadkii 2011 gurmadkii iyo raageeradii abaartii gobalada dalka qaar ka dhacday.

Halkaan hoose ka daawo qaar ka mid ah sawirada Munaasabadda.

m6 m5 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????