U bood dhigaalka

Munaasabadda Daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka Dalka Oo Ka Socota Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho ka furmay xafladda daahfurka qaamuuska doorashooyinka Soomaaliya iyo qorshaha isiraatiijiyadda Shanta sano guddiga madaxa banaaan ee doorashooyinka qaranka.

Munaasabadan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda xukuumadda Federaalka, gobolka Banaadir, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo sidoo kale dowladaha daneeya Soomaaliya.

Waxaa munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxyaabaha u qorsheysan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo sidoo kale hannaanka ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

554 455