U bood dhigaalka

Munaasabadda Loogu Dabaal Degayo Sanad Guurada Sedaxaad Ee Goobjoog News Oo Bilaabatay

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa mid ka mid ah Hoteelada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay munaasabad loogu dabaal degayo Sanad guurada Sedaxaad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay Idaacadda Goobjoog.

Munaasabadaan waxaa ka qeybgalaya wasiiro ka mid ah xukuumadda Soomaliya sida wasiirka warfaafinta Maxamed Xayir Maareeye, Culimo Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaliya, Abwaano Soomaliyeed, Ururada Bulshada, ururada Haweenka, iyo marti sharaf.

Waxaa bilaaban doona goor dhaw khudbadaha munaasabadda oo mas’uuliyiinta jeedin doonaan, iyadoo jawi wanaagsan ay xafladda ku bilaabatay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha