U bood dhigaalka

Muqaal: Maktabadda Qaranka Oo Dib Loo Howlgelinayo

Sheeko:Dalka

Maktabada qaranka ayaa ahayd maktabadda kaliya ee dalka uu lahaa xilligii dowladdii dhexe, iyadoo haatanna dib loo howlgelinayo, kadib waqti aad u dheer oo doorkeedu uu maqnaa.

Maktabadda ayaa ku taalla dhismo ka kooban 5 dabaq, kuwaas oo isugu jira howlal iyo goobo wax akhriska loogu talogalay, ayna ku jiraan qeybo dadka waaweyn iyo kuwo carruurta yar.

Uljeedooyinka makatabbada waxaa ka mid ah ilaalinta dhaqanka iyo keydinta qoraallada taariikhiga ah ee daabacan.

Maxamed Axmed Shiil, waa agaasimahada maktabadda qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey marxaladihii ay soo martay maktabaddan.

Waxa uu tilmaamay in fekerka dhismaha maktabaddan uu soo bilowday 1960 illaa iyo 1963-dii, isaga oo sheegay in intaasi feker un uu ahaa, balse ay dardargelisay dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Maktabadda qaranka ayaa kaalin badan kasoo qaadatay wax akhriska iyo keydadka taariikhiga ah ee dalka, iyadoo  la filayo iney dhowaan dib u howlgasho, islamarkaana kaalinteeda soo noqoto.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:


Goobjoog News