U bood dhigaalka

Muqdisho: 23 Qof oo Ku Dhimatay Weerarkii Al-shabaab Ee Posh Treats iyo Pizza 

Sheeko:Dalka

Ilo ku dhaw hey’adaha amniga ayaa sheegaya in 23 qof ka badan ay ku dhinteen  weerar Al-shabaab ay xalay fiidkii ku qaadeen Posh Treats iyo Pizza  ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ay ahaayeen rayid, waxaa goobta lagu arkay gabdho illaa 6 ah ooh al meel ku wada dhintay, dadkan ayaa u badnaa dad meesha u soo fiidsi tagay.

Howl-gal ay ciidamada wadeen illaa xalay ayaa saaka la soo gabagabeeyay, waxaana la sheegayaa haatan iyo xaaladda degan tahay.

Warar dheeraad ah iyo sawirro kala socda, Goobjoog News